Syria: Uma isticmaalayno Kiimiko dadkeena

Mucaaradka Syria Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Mucaaradka Syria

Dowladda Suuriya ayaa sheegtay in aanay marnaba hub kiimiko ah u isticmaali doonin dadkeeda wax kasta oo dhaca.

Af hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Jihad Makdissi, ayaa yiri, Suuriya hubkeeda kiimakada ah meel asturan ayaa lagu keydiyay waxana keliya oo loo adeegsan karaa ciidan shisheeye oo dibadda ka soo duulay.

Walaac caalami ah ayaa jiray oo ku saabsan in dowladda looga baqayay in ay isticmaasho hubka kiimakada ah, maaddaama mucaaradkeedu uu sii guuleysanayo.

Dagaal qaraar ayaa sii socda, ayada oo Madaxweyne Assad uu ciidankiisa amar ku siiyay in ay labalaabaan dadaalkooda ku wajahan Dimishiq iyo Aleppo.

Jaamacadda Carabtu waxay mar kale Madaxwyne Assad ugu baaqday in uu is casilo.

Waxaana loo ballan qaaday in qoyskiisa si nabad ah looga saaro Suuriya.