Somaliland oo hakad gelisey wadahadalka

Somaliland
Image caption Somaliland waxay May u dabaal-degtey 21 sano guuradii markii ay ku dhawaaqeen inay gooni isu taageen

Somaliland ayaa sheegtey inay hakad gelisey wadahadalkii dhawaantan bilawdey ee ay la galayeen dowladda KMG ee Somalia.

Wasiirka arrimaha debadda ee somaliland Maxamad Cabdullahi Cumar ayaa sheegey inay wadahadlka ay bilaaban doonaan marka ay dhaamadaan tartanka iyo isbadelka ka socda Somalia.

Maxamad Cabdullahi Cumar waxaa uu sheegey in tani ay micnaheeda ahayn inay ka baxayaan wadahadalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka digey shirar siyaasadeed oo ka hadlaaya wadamada deriska oo ay "Somalia" kamid tahay.

Waxaa uu sheegey in shri ay qabteen xubno katirsan Ururka Al-Islaax ee dhawaantan ka dhacey Hargeysa ay fara-gelin ku ahayd siyaasadda Somalia.