Marshaale oo lagu dilay Muqdisho

Lahaanshaha sawirka Qarandoon
Image caption Cabdi Jeylaani Marshaale waxa uu ahaa majajaaliiste aad loo jecelyahay

Cabdi Jeylaani Malaaq oo ah fanaan caan ku ah majaajilada ayaa maanta lagu dilay magaalada Muqdisho.

Cabdi Jeylaani oo loo yaqaan Marshaale waxaa majaajiladiisa laga sii dayn jiray idaacadaha iyo telefishanada Soomaalida.

Laba nin oo aan la garanayn oo bistoolad ku hubaysan ayaa la sheegay inay marxuuumka rasaas ku fureen isaga oo joogay gurigiisa hortiisa.

Marxuumka ayaa la sheegay in xilliga la dilayay uu soomanaa.

Dhaawac rasaasta ka soo gaaray ayuuna u dhintay sida uu BBC u sheegay Yusuf Axmed Abuukar oo ay isla shaqeeyaan.