Qarax ka dhacay magaalada Nairobi

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qarax hore uga dhacay Nairobi

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qaar kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii qarax ka dhacay xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi.

Qaraxa lama sheegin waxa dhaliyay, laakiin waxay dadka qaar ku tilmaameen in uu yahay qof is qarxiyay.

Qaraxa waxa uu ka dhacay meel dhawr tallaabo u jirta xarunta ciidamada cirka ee Kenya.

Ciidamada booliiska Kenya ayaa xaqiijiyay in hal qof ku dhintay, dhawr kalena ay ku dhaawacmeen qaraxa.