Dowlado soo dhaweeyey warbixinta UN

Somalia Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Destuur cusub ayaa la ansixiyey Arbacadii

Dowladaha daneeya arrimaha Somalia ayaa shir ku qabtey magaalada Muqdisho.

Shirkani ayaa ku soo beegmey iyadoo Somalia ay yeelatey destuur cusub kadib markii ergada ansixiyeen maalintii Arbacada.

Agaasimaha Afrika u qaabilsan xafiiska arrimaha dibedda ee Britain Nick Kay ayaa sheegey in wadamada shirkaasi ka qeyb-qaatey ay sheegeen in ay lagama maarmaan tahay in 20-ka August la soo gaba-gabeeyo KMG

Kay ayaa sheegey in dowladda KMG iyo Qaramada Midoobey ay haystaan waqti ku filan oo ay ku soo gaba-gabeyn karaan xilliga KMG.

Sarkaalkani ayaa sheegey inay muhiim tahay in odayaasha dhaqanka ay soo xulaan mudanayaasha baarlamaanka, waxaa uuna wal-wal ka muujiyey caga-jugleynta lagu hayo guddiga soo xulidda baarlamaanka.

Shirka ayaa soo dhaweeyey warbixinta Guddiga Qaramada Midoobey ee Daba-galka Somalia ee masuq-maasuq ku eedeynayey madaxda dowladda KMG, waxayna ugu baaqeen inay si hufan isu difaacaan.

Shirka waxaa ka qeyb-galey Kenya, Uganda, Ethiopia, France, Qatar iyo dhowr dowladood oo kale.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan