Soomaali loo haysta dilka safiirka Venezuela

Venezuela Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Dwight Sagaray waxaa loo haystaa dilka safiirka Venezuela ee Kenya.

Waxaa maxkamad la soo taagey nin diblomaasi ka ahaa safaaradda Venezuela oo lagu eedeynayo dilkii safiirka dalkaasi ee Kenya.

Meydka gabadhani Olga Fonseca ayaa laga heley gurigeeda dabayaaqadii bishii hore

Dwight Sagaray oo lagu eedeynayo dilkaasi ayaa la soo taagey maxkamadda waxaana uu xaakinka amrey in xabsiga lagu hayo.

Xaakinka ayaa sidoo kale amrey in la soo xiro Maxamad Axmed oo ah nin Soomalida Kenya oo ka shaqeynayey safaaradda.

Maxamad ayaa la sheegayaa inaan la arag tan iyo markii la diley gabadhaasi safiirka ahayd.

Booliska dalka Kenya ayaa sheegaya in Maxamad ay saaxib ahaayeen Sagaray oo ah ninka loo haysta dilkaasi.

Labo nin oo ilaalo ka haysey gurigaasi ayaa iyaguna lagu soo oogey dacwad gooni ah oo waxaa lagu eedeynayaa inay wax ka qaban waayeen fal dambiyeedkaasi.