Dagaalka Syria oo socda

Aleppo Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Magaalada Aleppo

Dagaal xoog leh ayaa ka dhex bilwday mucaaradka iyo dowladda Syria oo ku dagaallamaya degmo Muhiim ah oo ku taal magaalada Aleppo. Telefishinka Syria ayaa sheegaya in ciidamadu ay la wareegeen xaafadda Salahedine oo u ahayd saldhig kooxaha mucaaradka.

Ciidanka dowladda iyo xoogagga mucaaradka ayaa labaduba ku warramaya in dukheyn culus iyo isku dhacyo ay ka socdaan magaalada Aleppo, halkaasi oo ciidamo daacad u ah Madaxweyne Bashar al-Assad ay isku dayayeen in ay kala wareegaan mucaaradka goobihii ay qabsadeen.

Kooxaha mucaaradka ayaa sheegaya in in ka badan 40 lagu dilay magaalada shalay.

Kooxda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay xaaladda dadka rayidka ee kus ugan magaalada Aleppo.