Hesiis laga gaadhay ammaanka Buuhoodle

Somaliland iyo ururka SSC ayaa heshiis ka gaadhay ammaanka degaanka Buuhoodle iyo maxaabiis lagu kala qabsaday dagaalladii hore.

Lahaanshaha sawirka other
Image caption somaliland forces

Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa cadeeyay in ciidamada somaliland ee jiidda hore ee degamada buuhoodle dib loo soo durkin doono , jiidaasi oo mudoba dagaallo ku dhexmarayeen ciidamo ka tirsan deegaankaasi iyo kuwa somaliland .

Wasiirka Axmed Xaaji Cali Cadami waxa kale oo uu sheegay in Somaliland ay arrimahani u ogolaatay si nabad loo helo.

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in ciidamada dib loogu soo celin doono degaanka Qorulugud oo ilaa 30 KM ka soo durugsan magaalada Buuhoodle. waxaa kaloo la sii dayn doonaa maxaabiis hore ciidanka somaliland ugu qabtay dagaalladii dhacay oo tiradood ay gaadhayso dhawr iyo lixdan qof.

Dhinaca kalena Garaad Maxamed Garaad Saleemaan oo ka mid ah wafdiga ka socday deegaanka Buuhoodle ee wada hadallada la galay xukuumada ayaa isna xaqiijiyey in heshiiskani ku saabsan ammaanka degaanka Buuhoodle ee ciidamada laga soo qaadayo iyo sii deynta maxaabiista in la fulin doono dhawr maalmood ee soo socda

Heshiiskani waxa uu ka danbeeyey wadahadallo maalmahanba ku dhexmarayay magaalada Hargeysa ergo ka socota deegaanka buuhoodle oo uu hogaaminayo gudoomiyaha ururka SSC Saleebaan Ciise Axmed Xagla-Toosiye iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda somaliland .