Soddon qof ayaa ku dhintay South Africa

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 17 Agoosto, 2012, 10:52 GMT 13:52 SGA

In ka badan soddon qof ayaa inta la og yahay dhimatay markii booliiska dalka Koonfur Africa ay maalintii Khamiista rasaas ku fureen dhowr kun oo dadka ka shaqeeya qodista macdanta ah oo shaqo joojin samaynayay.

Waxay noqonaysaa mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu dhimashada badnaa tan iyo markii uu dhamaaday midab-takoorkii dalka Koonfur Africa.

Ururada shaqaalaha ayaa sheegay in tirada dadka dhintay ay hadda gaari karto soddon iyo shan, waxaana ay ku baaqeen baaritaan ballaaran.

Wasiirka booliiska, Nathi Mthethwa ayaa dhinaca kale sheegay toddobaad isku dhacyo ah ay ku dhinteen ilaa toban qof.

Weriye ka tirsan BBC ayaa sheegay in jawaabta waddanka oo dhan ka soo baxaysa ay tahay in lala yaaban yahay in rabshad sidan u baaxad wayn ay wali ka sii socoto dalka.

Macdan-qodayaasha shaqo joojinta sameeyay oo ka socda urur shaqaale oo aan rasmi ahayn, ayaa dalbanaya in mushaarkooda sare loogu qaado in ka badan kun doolar bishii.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.