Mareykanka oo soo dhaweeyay doorashada

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 29 Agoosto, 2012, 10:30 GMT 13:30 SGA

Maxamed Cismaan Jawaari waxa loo doortay inuu hoggaamiyo baarlamaanka 4 sano ee soo socota

Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay doorashada Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, oo ku tilmaamay doorasho taariikhi ah.

Hadal qoraal ah oo laga soo saaray xafiiska wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Danjire James C. Swan, ayaa lagu sheegay in isagoo ku hadlaya magaca dadka Mareykanka ay u hambalyeynayaan hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed - gaar ahaan odoyaasha dhaqanka, xubnaha guddiga farsamada iyo Guddoomiyihii KMG ahaa, Mussa Hassan Abdulle dadaalkii ay sameeyeen.

Siyaasi rug caddaa ah, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa shalay loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Waxa uu xilkan haynayaa afarta sano ee soo socota.

Tallaabadan ayaa waxa ay tahay tii ugu horreysay ee loo qaado aasaaska dowlad rasmi ah oo ay yeelato Soomaaliya.

Madaxweyne cusub ayaa isna lagu wadaa in la doorto toddobaadyo gudahood.

Prof Jawaari ayaa waxa inuu guuleeystay lagu dhawaaqay kadib markii Cali Khaliif Galaydh uu sheegay in uu ka tanaasulay inuu tartamo wareegga labaad.

Wuxuu wareeggii hore helay Prof. Jawaari 119 cod, halka Cali Khaliif Galaydh uu ka helay 77 cod.

Codadka la kala helay wareegga koowaad waxa ay kala yihiin:

119 Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari,

77 Cali Khaliif Galeydh,

23 Cabdi Xaashi Cabdullaahi,

10 Cabdirashiid Maxamed Xiddig iyo

5 Xasan Abshir Faarax.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka ayaa isna waxa loo doortay Jeylaani Iikar, halka Guddoomiye ku xigeenka labaadna loo doortay Mahad Cawad.

Saddexda Mas'uul ayaa markiiba loo dhaariyay xilalka loo doortay.

Waa markii ugu horreysay ee muddo ka badan labaatan sano lagu qabto magaalada Muqdisho ee caasimadda Sooma

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.