Xisbiga UDUB oo doortay musharax

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 27 Agoosto, 2012, 13:22 GMT 16:22 SGA

Cali Maxamed Waran-Cadde waxa uu tartami doonaa xisbiga UDUB doorashooyinka Madaxweynaha ee Somaliland

Shir aqlabiyadda golaha dhexe ee xisbiga UDUB maanta ku yeesheen Hotel ambassador ee Hargeysa oo uu gudoominaayay gudoomiyaha Xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin.

ayaa lagu doortay inuu murashaxa madaxweynaha tartanka doorashada 2015 haddii xisbigu soo baxo uu noqdo Cali Maxamed Warancadde, Madaxweyne Xigeenna

Axmed Xaaji Daahir Cilmi .

Afhayeen u hadlay UDUB Saciid sulub ayaa BBC u sheegay in xisbigu go'aamiyay in la ballaadhiyo golaha dhexe iyo in la buuxiyo hogaanka xisbiga jagooyinka ka banaan .

haseyeeshee gudoomiyaha gudiga doorashooyinka iyo diiwaangelinta Xisbiga UDUB Cismaan Cabdillaahi Cigaal oo shir jaraa'id ku qabtay isaga iyo koox kale Hotel Crown ayaa

ku dooday in kooxi afduubtay xisbigii UDUB .

Sida laga warqabo dhawr maalmood ka hor ayuu iska casilay Xisbiga UDUB gudoomiye xigeenkiisii Axmed yuusuf Yaasiin .

Dhinaca kalena , Xisbiga Mucaaidka ah ee UCID ayaa isaguna hore musharraxa madaxweynaha ugu dhawaaqay Jamaal Cali Xuseen , madaxweyne xigeenkana

Cabdirashiid Xasan Mataan .

Somaliland doorashada golayaasha deegaannada ayaa ka dhici doonta 28 november 2012 . waxaa ku tartamaya sagaal xisbi oo saddexda ugu sareeya doorashada

deegaanadu ay ku tartami doonaan doorashada madaxtooyada iyo baarllamaanka , lixda kalena hadhi doonaan .

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.