Xaqaani oo la sheegay in la dilay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 25 Agoosto, 2012, 12:59 GMT 15:59 SGA

Burhaanudiin Xaqaani waxa la sheegay in lagu dilay weerar Mareykanku qaaday

Sarkaal sare oo xubin ka ah kooxda mintidiinka Afghanistan ugu weyn ee la yiraahdo Xaqaani ayaa lagu dilay weerar Mareykanku qaaday oo dhinaca cirka ah.

Sida laga soo xigtay qof ka tirsan qoyskiisa oo BBC u warramay ayaa sheegay in Badruddin Haqqani uu dhintay Talaadadii weerar diyaaradaha aanay cidina wadin ee Mareykanka ee la yiraahdo drone oo ka dhacay gobolka dhinaca waqooyi ee WaZiristan ee dalka Pakistan.

Mareykanku wali ma aanay xaqiijin, laakiin daddii warkan la xaqiijiyo weriyayaashu waxay sheegayaa in ay guul weyn u tahay ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afghanistan.

Dhinaca kale, weerar ciidamada NATO ay ku qaadeen bariga dalka Afghanistan ayaa lagu dilay Taliye Taalibaanka Pakistan ah oo la yiraahd, Mullah Dadullah, iyo 12 dagaal-yahaniintiisa ah.

Waxa lagu dilay weerar Jimcihii ka dhacay gobolka Kunar oo u dhaw soohdinta ay la wadaagaan Pakistani.

Taliban waa ay qirteen dilka Dadullah, oo ah hogaamiyahooda gobolka Bajaur ee Pakistan.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.