UNHCR: 800 qof ayaa ka qaxday Kismaayo

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 6 September, 2012, 19:44 GMT 22:44 SGA

Kismaayo waa magaalada ugu weyn ee ku hartay gacanta al-Shabaab

Hey'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in 800 oo qof ay ka qaxeen magaalada Kismaayo ee ku taal dhinaca koonfurta dalka.

Ciidamada Kenya ayaa isku diyaarinaya inay weerar ku qaadaan magaalada.

Toddobaadkan horraantiisi ayaa ciidanka badda ee dalka Kenya waxa ay duqeeyeen Kismaayo.

Ciidanka Kenya ayaa waxa ay isla socdaan maliishiyo deegaanka ah waxaana ay ku sii socdaan magaalada.

Kismayo waa meesha ugu dambeysa ee ku hartay gacanta kooxda Islaamiga ee alShabaab, oo mar xukumi jirtay in badan oo ah magaalada Muqdisho iyo qeybo badan oo ka tirsan Soomaaliya.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.