Yaa gacanta ku hayo Kismaayo?

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 18 September, 2012, 04:54 GMT 07:54 SGA
Al-Shabaab

Dagalyahanka Al-Shabaab ayaa la sheegey in ay ka baxayaan magaalada Kismaayo.

Wararka naga soo gaaraya magaaladda Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in Ururka Al-Shabaab ay qalabkoodii ka gurteen magaaladda Kismaayo.

Qaar ka mid ah dadka degaanka oo BBCda la hadley ayaa sheegey in ay xiranyihiin xafiisyadii Al-Shabaab.

Idaacadda ku hadasha afka Al-Shabaab ee Al-Andulus ayaa lagu soo waramayaa in ay hawada ka baxdey.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya cutubyo ka socda dalka Kenya ayaa la sheegey in ay ku siqayaan magaaladaasi.

Hasa ahaatee, waxaa wararkaasi ku gacan-seyrey ururka Al-Shabaab. Afhayeen u hadley ururkaasi ayaa BBC u sheegey in wararkaasi ay yihiin "waxba kama jiraan"

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.