Labada Sudan oo heshiis gaaray

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 27 September, 2012, 05:31 GMT 08:31 SGA
Sudan

Al-Bashir iyo Salva Kiir ayaa afar maalmood ku kulansanaa Addis Ababa

Sudan iyo Koonfurta Sudan ayaa gaaray heshiis qabyo ah oo la xiriira dhoofinta shidaalka iyo ammaanka xadka ay wadaagaan labada dal.

Afhayeennada labada dhinac ayaa BBC u sheegay in heshiiska la saxiixi doono Khamiista.

Madaxweynayaasha labada dal, Cumar Al-Bashir iyo Salva Kiir Mayardit, ayaa afar maalmood ku kulansanaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Labada dal ayaa qarka u saarnaa in uu dhex-maro dagaal billawgii sanadkan.

In kasta oo haatan heshiis qabyo ah la gaarey, waxaa weli dhiman oo aan xal loo helin, gobolka Abyei, oo labada dal ay ku muransanyihiin.

Qaramada Midoobey ayaa horey ugu goodisay in ay cuna-qabatayn ku soo rogi doonto labada dal hadii ay heshiis gaari waayaan.

Labada dal ayaa la sheegayaa in ay ku heshiiyeen in xadka ay ka sameeyaan aag militariga ka caagan.

Waxaa kale oo heshiiskani dhigayaa qiimaha ay Koonfurta Sudan bixinaysa si loogu dhoofiyo shidaalkeeda

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.