Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ras'iisul wasaarihii hore oo ka hadlay shirka QM

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Shirka, Golaha loo dhanyahay ee Qaranmada Midoobay ee ka socda xarunta Golahaasi ee magaalada New York, madaxdii xalay ka hadashay waxaa ka mid ahaa, Raiisul wasaaraha Soomaaliya ee wakhtigiisii dhamaaday Abdiwali Mohamed Ali-gaas.

Raiisulwasaaruhu, waxa uu ka hadalay arimaha ay ka mid yihiin, waxayaabihii u qabsoomay Soomaaliya iyo caqabadaha haatan horyaala.

Wuxuuna beesha caalmka ugu baaqay in Soomaaliya ay gacan siiyaan si uu u dhamaystirmo wax yaabaha u harsan oo ay noqoto xunbin firfircoon oo markale bushada caalaka ka mid noqota.

Weriyaha BBC Maxamed Xaaji Xuseen, waraystay Raisulwasaaraha isagoo marka hore waydiiyay waxyaabaha khudbadiisa ugu waa waynaa ee uu ku soo qaaday?