Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Uganda oo 50 sano jirsatay maanta

Ugu yaraan 15 madaxweyneyaal iyo ra'iisal wasaareyaal adduunka ka kala socda ayaa ka qayb gelaya munaasabadda lagu xusayo maalinta qarannimada Uganda.

Waxaa ka mid yahay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo safarkiisii ugu horreeyay ee uu dalka kaga baxo ku tegay Uganda oo ka mid ah waddammada Afrika ee ciidammada xoogga leh ay ka joogaan Soomaaliya si ay u taageeraan dowladda Soomaaliya ee tabarta yar ee inta badan ku tiirsan taageerada ciidanka Midowga Afrika iyo kaalmada dhaqaale ee dowladaha deeqda bixiya.

Cabdinuur Sheekh Maxamed ayaa waraysi la yeeshay nin ganacsade Soomaali Uganda ku dhashay ah muddo haatan laga joogo 43 sano. Waxaana uu ka warramayaa noloshiisa iyo marxaladihii uu soo maray waddanka Uganda.