Afrika oo guddoomiye cusub yeelatay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 15 Oktoobar, 2012, 16:21 GMT 19:21 SGA
Zuma

Dlamini Zuma ayaa loo doortay inay noqoto guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee Koonfur Afrika Dlamini Zuma ayaa loo dhaariyay in ay noqoto haweenaydii ugu horreysay ee madax ka noqoto midowga Afrika.

Gabadhani oo horey u ahayd xaaska madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma, ayaa guddomiye ka noqoneysa guddiyada Midowga Afrika.

Waxay hormuud ka noqon doontaa dadaallada lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafaadka ka jiro qaaradda.

Mar ay wariyayaasha la hadlaysay, ayay Dlamini Zuma sheegtay in doorashadeedu ay muujinayso in khilaafaadkii u dhaxeeyay Afrika ay yihiin kuwa dhamaaday.

Zuma waxay ka guulaysatay guddomiyihii hore ee Midowga Afrika Jean Ping kadib markii xubnaha midowga ay cod aqlabiyad ah ku doorteen.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.