Hub lagu qabtay Puntland

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 19 Oktoobar, 2012, 12:07 GMT 15:07 SGA
Puntland

Ciidamada Puntland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen hub culus

Ciidamada maamulka Puntland ayaa sheegay in ay qabteen hub dibadaha laga soo galiyey Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa dadweynaha iyo warbaahinta u soo bandhigay hubkaasi la sheegay in la qabtay.

HUbka ayaa ka koobnaa noocya kala duwan; madaafiic, rasaas, qoryaha cul-culus iyo waxyaabaha qarxa.

Guddoomiyaha Gobolka Bari ee Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in weli uu socdo baaritaanka la xiriira hubkaasi.

Waxaa uu sheegay in qabashada hubkaas uu muujinayo halista soo food saartay Soomaaliya.

Ururka Al-Shabaab ayaa dowladda Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika kula dagaallamayo gacan ku haynta gobollada koonfureed iyo kuwa dhexe.

Al-Shabaab ayaa dhawaantan ka baxday magaalada xeebta ee Kismaayo, waxaana haatan gacanta ku hayo ciidamada Kenya ee ka tirsan Midowga Afrika.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.