Guddi ka baaqday in uu tago Kismaayo

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 5 Novermber, 2012, 13:26 GMT 16:26 SGA

Qaramada Midoobay ayaa xannibaad ku soo rogtay dhuxusha Kismaayo

BBC-da ayaa oggaatay in guddi uu Madaxweynaha Soomaliya u magacaabay arrinka dhuxasha taalla magaaladda Kismaayo ay maanta ka baaqdeen safar ay ahayd inay ku tagaan magaalada Kismaayo.

Sababta baaqashada wafdigan ayaa lagu tilmaamay iyadoo maamulka magaalada Kismaayo ay sheegeen in aanay waxba ka ogayn imaanshaha wafdiga ee magaalada Kismaayo, oo aan lagala tashan markii hore ee la magacaabayey.

Ilo xog-ogaal ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa BBC-da u xaqiijiyay in uu jiro kala fogaansho ku saabsan arrinka dhuxusha Kismaayo taalla oo u dhaxaysa dowladda Soomaaliya iyo maamulka magaalada Kismaayo hadda taladiisa gacanta ku haya.

Xogtan waxaa BBC-da u xaqiijiyay ilo kala duwan oo BBC la xiriirtay.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.