Weriyayaashii xayirnaa oo laabtay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 8 Novermber, 2012, 19:28 GMT 22:28 SGA

Magaalada Kismaayo

Weriyayaal Soomaali iyo ajnabi isugu jira oo muddo labaad maalmood ah ku xannibnaa garoonka dayaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa maanta dib loogu celiyay magaalada Muqdisho.

Weriyayaasha oo u shaqeeya hey'ado warbaahin oo caalami ah iyo kuwo gudaha ayaa waxa ay la socdeen wafdi ka socday dowladda Soomaaliya, oo tagay magaalada Kismaayo shalay oo halkaasi ay ka soo celiyeen ciidanka Kenya ee jooga Kismaayo.

Weriyayaasha oo maanta dayaarad soo qaadda loo diray ayaa mid ka mid ah oo BBC wareysi siiyay, Maxamed Cabdi Xaaji oo ah sawir-qaade ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP waxa uu sheegay in dhibaato ay ku qabsatay garoonka oo loo diiday inay dibedda uga baxaan.

Kooxdaasi suxufiyiinta ayaa sida uu ku warramayo weriyaha BBC ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan waxa ay galabta yimaadeen magaalada iyaga oo bed qaba.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.