Ansixinta Golaha wasiirada oo dib loo dhigay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 10 Novermber, 2012, 11:33 GMT 14:33 SGA
Golaha Wasiirada

Golaha wasiirada ayaa ka kooban toban wasiir.

Baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaa dib u dhigay qorshe lagu horgeeynayay xukuumadda cusub iyo barnaamijkeeda Siyaasadeed waqti aan la cayimin. Dib u dhigan ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen doodo dastuuri ah oo ku saabsan inaan xukaamadda la hor geyn karin baarlamanka iyadoon la soo dhamaystirin magacyada wasiir ku xikeenada iyo wasiiru dawlayaasha ay yeelanayso dawladda cusub.

Waxaa jiray doodo ay qabeen xildhibaano ka tirsan Baarlamanka, oo ku aadanaa sida aysan raaliga uga ahayn in xukuumadda la hor keeno Baarlamaanka iyadoon la soo dhamaystiran.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, oo kamid ah baarlamanka Cusub ayaa BBCda u sheegay inaanay sharci ahayn in xukuumad aan la soo dhamaystirin la hor geeyo Baarlamaan.

Ra'iisul Wasaaraha cusub Cabdi Faarax Shirdoon, ayaa looga fadhiyaa inuu si deg deg ah u guda galo dhamaystirka xukuumaddiisa. Xildhibaanada qaarkood ayaa doonaya inay ka mid ahaadaan xubnaha dhiman ee dowladda ee isugu jira wasiiru dawlayaasha iyo iyo wasiir ku xigeenada.

Ilaa hadda lama sheegin waqti rasmi ah oo la soo dhamaystirayo xukuumadda cusub iyo goor la horgeynayo Baarlamanka.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.