Pakistan: Ilaa 80 ku dhimatay qarax

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 17 Febraayo, 2013, 10:37 GMT 13:37 SGA
Suuqa Quetta

Suuqa ayaa aad loo buuxay markii uu weerarka dhacay.

Gudoomiyaha gobolka Balochistan Nawab Zulfikar Magsi, ayaa ku eedeeyay masuuliyiinta ammaanka iyo sirdoonka inay ku guuldaraysteen ilaalinta ammaanka kadib markii Ilaa siddeetan qof ay ku dhinteen qarax bambaano oo ka dhacay Sabtidii suuq ku yaala magaalada Quetta.

Boliiska ayaa sheegay in qaraxa oo ay ku dhaawacmeen ilaa laba boqol oo qof lala beegsaday dadka Siicada. Kooxda Sunniyiinta mayalka adag Lashkar-e-Jhangvi ayaa sheegay inay ka danbayeen qaraxa.

Dadka qaraxu saameeyay ayaa isugu jiray dumar iyo caruur. Dadka Shiicada ayaa dhowr jeer weerar ay ku soo qaadeen Sunniyiinta mayalka adag.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.