Maxkamadda sare oo xukun burisay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 17 Maarso, 2013, 16:08 GMT 19:08 SGA
Weriye Cabdicasiis Cabdinuur

Weriye Cabdicasiis Cabdinuur

Maxkamadda sare ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sii deysay nin weriye ah oo hore xabsi loogu xukumay inuu waraysi la yeeshay haweeney sheegtay inay kufsadeen askar ciidanka dowladda ka tirsan.

Kiiskan oo kiciyay dhaleeceyn caalami ah oobaahsan, weriyaha, Abdiaziz Abdinuur, waxaa markii hore lagu xukumay hal sano oo xabsi ah inuu waraystay haweeneyda ku doodday in askarta dowladdu kufsatay.

Waxaa iyadana hore loogu xukumay hal sano oo xarig ah laakiin waxaa lagu sii daayay racfaan ay qaadatay bishii hore.

Guddoomiyaha maxkamadda sare Caydiid Cbdullaahi Ilkaxanaf waxaa uu sheegay in dhammaan eedeymihii ka dhanka ahaa weriyaha haatan la iska dhaafay.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.