J Afrikada Dhexe oo xulanaysa madaxweyne

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 7 Abriil, 2013, 21:11 GMT 00:11 SGA
Michel Djotodia

Michel Djotodia hogaamiyaha mucaaradka.

Hogaamiyaha mucaaradka qabsaday Jamhuuriyada Afrikada Dhexe laba toddobaad ka hor Michel Djotodia, ayaa sameeyay gudi cusub oo soo xula madaxweyne ku meel gaar ah.

Mr Djotodia, ayaa soo saaray amarka oo sheegaya in uu ku jiro dadka doonaya in loo doorto madaxweyne, wuxuuna sheegay in madaxweynaha la doorto uu waddanka xukumi doono sanad iyo siddeed bilood.

Mr Djotodia ayaa qorshaynayay inuu isku magacaabo madaxweynenimada saddex sano, laakiin caddaadis uga yimid caalamka ayuu doonayaa inuu ku sharciyeeyo madaxweyne ku meel gaar ah.

Mucaaradka uu hogaamiyo ee Seleka, ayaa qabsaday magaalo madaxda Bangui bishii hore kadib markii uu fashilmay wadahal nabad oo ay la lahaayeen madaxweyne Francois Bozize oo dibadda u cararay.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.