Shir looga hadlayo dib u dhiska Darfur

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 7 Abriil, 2013, 10:11 GMT 13:11 SGA
Dafur

Dafur

Deeq bixiyayaasha caalamiga ayaa ku kulmaya dalka Qadar laba maalmood, shir looga hadalayo dib u dhiska gobolka Sudan ee Dafur.

Shirka ayaa qayb ka ah heshiis caalami ah kadib shir lagu qabtay may 2011kii magaalada Doxa si nabad looga dhaliyo Dafur.

2003dii ayaa dagaal ka bilaabmay Dafur, markii dadka aan carabta ahayn ay hubka qaateen si ay ula dagaalamaan dowladda Sudan.

2006dii Midowga Afrika ayaa ciidamo nabad ilaalin ah geeyay Dafur, kadibna waxaa badalay 2008dii UNAMID oo ah ciidamadii ugu badnaa ee nabad ilaalin oo isugu jira Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaasaysa ugu yaraan saddex boqol oo kun oo qof inay ku dhinteen dagaalka, ku dhawaad laba milyana ay barakaceen.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.