Cumar al-Bashiir oo tagay Jubba

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 12 Abriil, 2013, 12:42 GMT 15:42 SGA

Madaxweynaha Suudaan Cumar al-Bashiir iyo Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir

Madaxweynaha Suudaan Cumar al-Bashiir ayaa booqanaya dalka Koonfurta Suudaan markii ugu horreysay tan iyo markii ay madax banaanida qaadatay sanadkii 2011.

Waxaa garoonka dayaaradaha kula kulmay Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir iyo wasiirro sarsar, iyadoo koox ka tirsan ciidanka militeriga ay u garaaceen astaanta calanka ee labada dal.

Madaxweyne Bashiir iyo dhiggiisa dalka Koonfurta Suudaan ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan dhulka soohdinta ee lagu muransan yahay iyo inta ay Koonfurtu bixineyso shidaalka la sii dhexmarsiinayo Suudaan

Kadib markii ay madax banaanida qaateen Koonfurta labada dhinac waxa ay qarka u fuuleen in dagaal uu dhexmaro, laakiin xiisadda ayaa la qaboojiyay dhawrkii toddobaad ee u dambeeyay.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.