Somaliland: midnimo diyaar uma nihin

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 13 Abriil, 2013, 11:26 GMT 14:26 SGA
Soomaaliya iyo Somaliland

Shirka Soomaaliya iyo Somaliland ay ku leeyihiin Ankara.

Wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland Maxamed Cabdulaahi Cumar ayaa BBC u sheegay in Somaliland aysan diyaar u hayn inay ka hadasho midnimo, shir ay Soomaaliya iyo Somaliland ku leeyihiin Ankara ee dalka Turkiga. Waxaa shirka hogaaminaya Raiisalwasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Somaliland iyo Somaaliya ayaa kawada hadlaaya sidii labada dhinac ay u gaari lahaayeen xal siyaasadeed. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamud iyo madaxweynaha Somaliland Axmed Silanyo ayaa hogaaminaya wafdiga labada dhinac.

Dowladda Turkiga ayaa ku martiqaaday labada wafi kulankan. Dowlada Soomaaliya waxa ay sheegtay in la gaaray waqtigii laga hadlayay midnimada Soomaaliya. Waxaa kaloo laga halayaa burcad baddeeda, iyo ammaanka.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.