Xeerka qoryaha oo la meelmarin waayay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 18 Abriil, 2013, 04:34 GMT 07:34 SGA

Kooxaha u ololeeya sidii loo xakameyn lahaa qoryaha

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barak Obama, ayaa si kulul uga hadlay aqalka senate-ka Maraykanka oo hor istaagay xeer lagu adkeynayo maamulka xakameynta qoryaha.

Xeerka labada xisbi ay wadeen waxaa lagu ballaarin lahaa baaritaannada lagu sameeyo nooca ay yihiin dadka hubka iibsanaya laakiin waxaa uu waayay tirada codadkii loo baahnaa oo ah 60 mudane inay oggolaadaan.

Codbixinta kaddib madaxweyne Obama waxaa uu si caro leh u eedeeyay inta badan mudanayaasha senate-ka ku jira inay si ula kac ah been uga sheegeen xeerka la doonayay ayna been uga faafiyeen si ay tallaabadaas u jebiyaan.

Madaxweyne Obama waxa uu sheegay in aanu u joojin doonin oo uu sii wadi doono dadaalka ku wajahan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada qoryaha Mareykanka.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.