In kabadan 200 oo ku dhintay Shiinaha

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 21 Abriil, 2013, 10:19 GMT 13:19 SGA
Burburka dhulgariirka

Ciidamada Shiinaha ayaa u gurmanaya dhulgariirka uu saameeyay.

Shaqaalaha gurmadka ee koonfur galbeed Shiinaha, ayaa la halgamaya inay gaaraan tuulooyinka buuraha ku yaala ee uu burburiyay dhulgariirkii ka dhacay shalay gobolka Sichuan.

In kabadan laba boqol oo qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen, ilaa kow iyo toban kun oo kalena waa ay dhaawacmeen markii dhulgariir 6.6 cabirkiisu yahay uu ka dhacaygalbeedka Chengdu.

jidadka yar yar, dhiiqo, iyo baabuuro fara badan oo jidka xiray ayaa daahinaya gargaarka loo wado dadka.

Toddobo iyo toban kun oo ciidan iyo boliis ayaa loo diray inay ka caawiyaan dadka.

Teendhooyin ayaa laga sameeyay isbitaalka magaalada Ya'an si loogu daaweeyo dhaawaca.

Japan ayaa sheegtay inay doonayso inay gargaar u soo dirto Shiinaha, laakiin Shiinaha ayaa sheegay inaysan u baahnayn gargaar dibadda ilaa hadda.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.