Bangladesh: Dad loo xiray burbur

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 27 Abriil, 2013, 09:53 GMT 12:53 SGA
Bangladesh

Malaayiin qof ayaa ka shaqeeya warshado dharka u sameeya reer galbeedka.

Shaqaalaha gargaarka ee Bangladhesh ayaa badbaadiyay labaatan iyo afar qof oo kale oo ka badbaaday dhismo siddeed dabaq ah oo soo dumay arbacadii.

Dhismaha ayaa ahayd warshad dharka lagu tolo. Wariyayha BBC ayaa sheegay inuu arkay gabar laga soo jiidayo burburka. Dad badan ayaa wali ku xayiran burburka, boqolaal qof ayaa caawinaya shaqaalaha gargaargka.

In kabadan saddex boqol oo qof ayaa la ogyahay inay ku dhimatay, walina waxaa maqan boqolaal qof kadib shilkii ugu xumaaee warshadaha dalka Balgaladesh.

Dhismaha ayaa la ogaa in dilaac ku yaalay, kahor intaysan soo dumin, laakiin aan waxba laga qaban.

Boliiska ayaa sheegay inay xireen laba injineer oo dhisay dhismaha, ninkii lahaa dhismaha iyo agaasimihiii warshada dharka samaysa.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.