Somaliland oo mamnuucday duulimaadyada UN-ka

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 16 Mey, 2013, 18:40 GMT 21:40 SGA

Media Player

Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa soo saartay amar ay ku joojineyso duulimaadyada Qaramada Midoobay ee Somaliland.

Maqalmp3

Waxaad u baahan tahay Flash player sax ah si aad u daarto Maqal ama Muuqaal.

Qalab kale ku ciyaar

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa soo saartay amar ay ku joojineyso berrito arbacada laga bilaabo dhammaan duulimaadyadii qaramada midoobay ee tagi jiray ama ka duuli jiray gegooyinka dayuuradaha ee somaliland.

Wuxuu sheegay in ay tallaabadan u qaateen kadib markii buu yiri dawladda somaliya ay sheegatay in ay la wareegtay maamulka hawada Soomaaliya oo ay ku jirto somaliland.

Wuxuu ku eedeeyay Qaramada midoobay hay'adeeda ICAO oo dhex u maamuleysay hawada Soomaaliya iyo Somaliland ay la safatay Soomaliya.

Wasiirka wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka ee somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay in xukuumada Somaliland iyadoo keli ahi bixin karto ruqsadaha dayuuradaha isticmaalaya gegooyinka iyo hawada somaliland.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige oo wasiirka maxamuud Xaashi cabdi wareystay ayaa ugu horreyn weydiiyay waxa ay tahay jawaabta ay ka bixinayaan?

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.