Weerar ka dhacay caasimadda Afqanistaan

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 24 Mey, 2013, 14:30 GMT 17:30 SGA
Kabul attack

Weerar ka dhacay magaalada Kabul

Ciidammada ammaanka ee caasimadda Afqanistaan ee Kabul, ayaa hareereeyay dhisme ku yaall bartamaha magaalada oo ay qabsadeen koox rag hubaysan ah.

Dhowr qarax ayaa halkaas ka dhacay bilawgii weerarka, waxaana xigtay rasaas muddo socotay. Weriye BBC oo goobtaas agteeda joogay waxaa uu sheegay in gurigu uu yahay mid ay deggan yihiin marti shaqaale jnabiga ah.

Afhayeen u hadlay Daalibaan waxaa uu BBC u sheegay in dagaalyahannadoodu ay weerarkaas fuliyeen. deegaankaas waxaa ku badan dhismeyaal ay deggan yihiin shaqaalaha hay'adaha gargaarka ee caalamiga ah iyo xarumo dowladda Afqanistaan.

toddobaadkii hore baabuur qof isqarxiyay uu ku dhuftay kolonyo milateri oo maraysay magaalada Kabul, waxaa ku dhintay 15 qof. hase ahaatee khasaaraha weerarkan dambe weli si rasmi ah looma sheegin.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.