Brazil oo daymaha ka cafinaysa afrika

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 26 Mey, 2013, 15:49 GMT 18:49 SGA
Madaxweynaha Brazil

Madaxweynaha Brazil Dilma Rousseff oo ka hadlaysa shirka Midowga Afrika.

Dowladda Brazil ayaa ku dhawaaqday inay cafinays ama waqtiga u dheeraynayso bixinteeda ku dhawaad sagaal boqol oo milyan oo dollar oo ay amaahisay Dalalka Afrika, si ay u xoojiso xiriirka dhaqaale ee Qaarada.

Laba iyo tobanka dal ee ka faaidaysanaya waxaa kamid ah Congo-Brazzaville oo ay Brazil ku leedahay amaahda ugu badan oo dhan 350 milyan oo dollar, Tanzania iyo Zambia.

Ganacsiga Brazil ay la leedahay Afrika ayaa shan jibaarmay tobankii sano ee la soo dhaafay, wuxuuna gaaray in kabadan labaatan iyolix bilyan oo dollar 2012kii.

hadalkan ayay ka sheegtay madaxweynaha Brazil Dilma Rousseff, oo ka qaybgalaysay shirka Midowga Afrika ee ka dhacay Addisababa.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.