Khilaafka u dhexeeya Mucaaradka Suuriya

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 29 Mey, 2013, 10:09 GMT 13:09 SGA
Syria opposition

Shir Mucaaradka Suuriya

Kooxaha mucaaradka reer Suuriya ee hoggaaminaya kacdoonka lagaga horjeedo madaxweyne Assad ee dalka gudihiisa ka dagaallamaya waxay ku eedeeyeen isbahaysiga ugu weyn mucaaradka inay ku guuldarreysteen inay matelaan kacaanka.

Afar kooxood oo dagaalka hormood ka ah ayaa soo saaray hadal ay ku dhaleeceynayaan isbahaysiga qaranka ee Suuriya kaddib markii ay ku fashlmeen inay isku raacaan mowqif mideysan oo ay ka istaagaan shir nabadeed caalami ah oo la soo jeediyay in la qabto.

afartaas kooxood waxay sheegeen inay caddaatay in isbahaysiga mucaaradka qaranku ay awood u yeelan waayeen inay waajibaadkooda gutaan, ayna oggolaadeen in quwado goboleed iyo kuwa caalami ah ay la wareegaan hawshii isbahaysiga.

kaddib toddobaad ay isku rafanayeen magaalada Istanbul, isbahaysiga waxaa u suurta geli weyday inay dhexdooda ka midoobaan, ama ay xataa go'aan ka gaaraan inay shirka ka qayb galaan iyo in kale.

Kooxaha dhaleeceyntan soo saaray waxaa ka mid ah guddiyada iskudubbaridka deegaannada iyo golaha guud ee kacaanka Suuriya, waxayna sheegeen in isbahaysigu ay halis ugu jiraan inay cudurka 'cancer' ku noqdaan jirka kacaanka Suuriya.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.