Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 4 June, 2013, 09:02 GMT 12:02 SGA
Madaxdii hore ee Soomaaliya

Qaramada Midoobey ayaa qeyb ka ahayd dadaalladii uu dalka uga baxay ku meelgaarnimada

Wakiilka cusub ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, Nicholas Kay, ayaa maanta gaarey magaalada Muqdisho si uu ula wareego xilkiisa ah madaxa cusub ee Howlgalka Caawinta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee UNSOM.

Waxaa uu xilka kala wareegayaa wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay, Augustine Mahiga, oo madax ka ahaa howgalkii UNPOS ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Kay ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay Soomaaliya ka caawin doonto xasilinta iyo dib u dhiska dalka.

Xafiiskii hore ee Qaramada Midoobey ee siyaasadda Soomaaliya ayaa si weyn ugu lug lahaa arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Waxaa uu qeyb ka ahaa dadaalladii Soomaaliya ay uga baxday ku meelgaarnimada

Dhammaan hay'adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala Soomaaliya, waxay haatan hoos tegi doonaan xafiiskan cusub.

Qaramada Midoobey ayaa xarun ka dhiganaysa xafiiska ay ku leedahay Muqdisho inkasta oo ay jiraan qaraxyo iyo weerarro mararka qaar ka dhaca magaalada.

Labo toddobaad ka hor, ugu yaraan toban qof ayaa ku dhintey, dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay jidka KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa qaraxa lala beegsaday gaariga Wasiirka Arrimaha Gudaha, laakiin gaariga waxaa saarnaa wafdi carab ah oo ka yimid dalka Qadar, wayna ka badbaadeen qaraxa.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.