Muranka gobolka ee biyaha webiga Nile

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 5 June, 2013, 09:17 GMT 12:17 SGA
River Nile

Deegaan uu maro webiga Nile

Wasiirka Itoobiya u qaabilsan kheyraadka biyaha, Alemayehu Tegenu, ayaa ku celiyay inaysan jirin sabab uu dalka Masar uga welwelo biyo-Xireenka weyn ee Itoobiya dhiseyso ee magaciisa loo soo gaabiyo (GERD).

wasiirku waxaa uu sheegay in dhismaha biyo-xireenku aanay wax halis ah ku haynin dalalka Masar iyi Suudaan toona. " Ma lihin wax qorshe ah oo lagu waxyeelleynayo waddammada uu webiga Nile-ku maro ee Suudaan iyo Masar. Haddii ay Masar hayso arrimo ay kala xaajooto Itoobiya, aad baan diyaar ugu nahay inaan kala hadalno" ayaa laga soo xigtay wasiirka.

Dhinaca kale, madaxweyneyaasha Masar iyo Suudaan ayaa la sheegay inay shalay telefoonka ku wada hadleen iskuna afgarteen inay isku meel ka istaagaan danaha labada waddan ee walaalaha ah. labada hoggaamiye waxay ka wada hadleen arrinta dhismaha biyo-xireenka Itoobiya.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.