Britain oo bixinaysa magdhaw Mau Mau

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 6 June, 2013, 13:17 GMT 16:17 SGA

Qaar ka mid ah dadka Mau-Mau

Dowladda Britain ayaa lacag malaayiin dollar oo magdhaw ah siinaysa kumannaan qof oo reer Kenya ah kuwaas oo sheegay in jirdil lagu sameeyay ama si xun loola dhaqmay sannadihii 1950-yadii, waqtigaas oo maamulkii British-ka ee Kenya haystay ay dagaallameen dad kacdoon sameeyay oo ka tirsan qowmiyadda Mau-Mau oo doonayay in la soo afjaro xukunkii mustacmaradda Ingiriiska.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee British-ka, William Hague, hadal uu baarlamaanka Ingiriiska u jeediyay waxaa uu ku sheegay in dowladdu ay garawsatay xanuunka iyo dhibaatada ay dareemeen dadka reer Kenya ee ku lugta lahaa dagaalkii ay la galeen ciidankii mustacmaraddii Ingiriiska ayna si aad ah uga xun yihiin wixii dhacay.

Heshiis ay arrintan labada dhinac ka gaareen maxkamad la'aan ayaa waxaa lagu bixinayaa lacag dhan 30 milyan oo dollar oo magdhaw ah, taasoo ay ku jirto kharashkii maxkamadda ku baxay, waxaana lacagtaas la siinayaa dad ka badan shan kun oo qof oo reer Kenya ah, kuwaas oo ay u doodeysay Sharikad British ah oo xagga qaanuunka qaabilsan.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.