Siddeed ku dhimatay dagaal Kismaayo

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 8 June, 2013, 12:19 GMT 15:19 SGA
Kismaayo

Kismaayo

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose, ayaa sheegaya in dagaal culus maant uu ku dhexmaray kooxo hubeysan oo daacad u kala ah Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Iftin Xasan.

Dagaalka maanta ayaa waxaa la isu adeegsnayay madaafiic iyo hub kale oo culculus, iyadoo boqolaal shacab ah ay ka baxsanayaan xaafadaha uu dagaalku saameyay. Goobaha dagaalada culus ay ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah dalcadda Via Afmadow oo ka tirsan xaafadda Calanleey.

Afhayeenka maamulka Kismaayo Cabdinaasir Seeraar ayaa BBCda u sheegay, inay amniga magaalada ay gacanta ku dhigeen isla markaana ay ka saareen magaalada koox xiriir la leh Alshabaab. Hase ahaatee dhanka kale afhayeen u hadlay Iftin Xasan, ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerar gardarro ah oo saaka ay ku soo qaadeen kooxda raaskaambooni.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qasaaraha dagaalka maanta, hase ahaatee waxaa la xaqiijiyay dhimashada siddeed qof iyo dhaawaca ku dhawaad labaatan kale.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.