Mandela oo isbitaal wali ku jira

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 9 June, 2013, 10:01 GMT 13:01 SGA
Nelson Mandela

Nelson Mandela

Nelson Mandela ayaa habeenkii labaad ku jira isbitaal ku yaal Pretoria, halkaasoo laga daawaynayo cudur sambabada. Masuuliyiinta ayaa sheegay in Mandela oo sagaashan iyo afar jir ah inuu kaligiis neefsanayo, ayna xaaladiisa tahay mid qatar ah laakiin uu ladan yahay.

Saaxiibkiis Desmond Tutu, ayaa ugu baaqay dadka reer Koonfur Afrika inay u duceeyaan. Madaxweyne Jacob Zuma ayaa sheegay inuu booqan doono Mandela markay dhaqaatiirta u ogolaadaan. Waa markii saddexaad oo Mandela la dhigay isbitaalka lixdii bilood ee ugu danbaysay.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.