Boliiska Turkiga oo la wareegay Taksim

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 12 June, 2013, 11:05 GMT 14:05 SGA
Taksim

Boliiska ayaa adeegsaday sunta dadka kaga ilmaysiisa

Dawladda Turkiga ayaa dib ula wareegtay gacan ku haynta fagaaraha Taksim ee magaalada Istanbul kadib dhowr iyo toban maalmood oo garoonkaas ay deganaayeen dibedbaxayaal ka soo horjeeda dowladda.

Boliiska ka hortaga rabshadaha ayaa adeegsaday sunta dadka kaga ilmaysiiso iyo dhuumo biyo xog leh sii deynaya, si dadka looga saaro fagaaraha.

Iskahorimaadyadii dhacay xalay ayaa ah kuwii ugu xumaa muddo hal toddobaad ka badan. Weriye BBC-da ka tirsan oo joogay fagaaraha waxa uu leeyahay fagaaruhu waa degan yahay haatan.

Duqa magaalada Istanbul Xuseen Afvi Mutlu ayaa ka sheegay TV-ga Turkiga in hawlgallada ay wadaan boliiska ay socon doonaan inta laga sifaynayo fagaaraha Taksim.

Ra'iisalwasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa oggolaaday in uu la hadlo madaxda hoggaaminaysa dibedbaxyada ka socday fagaaraha Takism.

Mudaaharaadyadu waxay ka billawdeen qorshe ay dowladdu ku doonaysay inay dib ugu dhista fagaaro ay dadku ku nastaan.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.