Iran oo madaxweyne cusub yeelatay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 16 June, 2013, 10:12 GMT 13:12 SGA
Iran

Taageerayaasha madaxweynaha cusub ee Iran Xasan Ruuxaani oo dabbaaldegayo

Dalka Iran waxaa laga soo dhaweeyay guusha lama filaanka ah ee uu gaaray Xasan Ruuxaani, oo loo doortay in uu noqdo madaxwaynaha cusub ee dalka Iran.

Tobannaan kun oo ruux, ayaa isugu soo baxay dariiqyada magaalada Tehran si ay ugu dabbaaldegaan guusha Xasan Ruuxaani.

Ruuxaani ayaa sheegay inuu doonayo in waddamada dibedda uu kula dhaqmo siyaasad furfuran.

Maraykanka ayaa ka gaabsaday in uu u hanbalyeeyo madaxwaynaha cusub, laakiin waxa uu ku celiyay qorshihii Maraykanka ee ahaa in xal diblomaasiyadeed laga gaaroo hubka Nukliyarka Iran.

Waddamada reer galbeedka ee kale ayaa ugu baaqay Iran inay baddesho siyaasaddeeda oo ay ka dhigto mid firfircoon.

Xasan Ruuxaani ayaa loo arkaa nin dhexdhexaad ah, in kasta oo talada ugu weyn ee maammulka dalka Iran uu leeyahay hoggaamiyaha diiniga ah Cali Khamenei.

Xasan Ruuxaani ayaa horey u qabtay xilka gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalkaa Iran.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.