Itoobiya oo ka baxday heshiiskii Niilka

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 13 June, 2013, 15:47 GMT 18:47 SGA
Biyaxireen

Biyaxireenka Itoobiya ayaa dhaliyay muran ballaaran oo la xiriira adeegsiga biyaha webiga Niilka

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay ka baxday heshiis la saxiixay waqtigii gumaysiga oo xaqa ugu badan ee adeegsiga biyaha webiga Niilka siinayo Sudan iyo Masar.

Dowladda Itoobiya waxay ku doodaysaa in heshiiskan, oo la siixay 1929-kii, uu waqtigiisu dhammaaday.

Dowladda Masar ayaa sheegtay inay si weyn uga soo horjeedda tallabadan ay qaadday Itoobiya.
Madaxweynaha Masar, Maxamad Mursi, ayaa horey u sheegay in dalkiisu ay u furan tahay waddo walbo oo lagu joojin karo dhismaha biyaxireenka ee Itoobiya ay ka dhisayso webiga Niilka.

Dadka reer Masar ee gaaraya 84-ta Milyan waxay gebi ahaanba ku tiirsan yihiin webiga Niilka.

Dowladaha ku yaalla Bariga Afrika ee uu soo maro webiga Niilka ayaa dhowr jeer oo hore isku dayay in dib looga hadlo qodobada heshiiska la saxiixay xilligii gumaysiga oo Sudan iyo Masar oo keliya u oggolaanayo inay dhisan karaan biyoxireenno.

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.