Nicholas Kay: Kama tegayno Soomaaliya

Qarax Muqdisho
Image caption Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku dhintay qaraxyo iyo weerarro ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee Muqdisho.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgalkooda.

Nicholas Kay, ayaa warkaasi BBC-da u sheegay in kasta oo kooxda Islaamiga ah ee Al-Shabaab ay weerareen xarunta Qaramada Midoobay ee Muqdisho.

Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku dhintay weerarkaasi.

Dadka halkaasi ku dhintay waxaa ku jira kuwii weerarka soo qaaday.

Dowladda Britain ayaa sheegtay inay baarayso inay dad uga dhinteen weerarka lagu qaaday xarunta Qaramada Midoobay ee Muqdisho.

Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, ayaa si weyn u cambaareeyay weerarka lagu qaaday xarunta ay hay'addu ku leedahay Muqdisho.