Dad badan oo lagu dilay woqooyiga Kenya

Image caption Qaar ka mid ah dadka iyo Boliiska Kenya

Weerar loo adeegsaday bambaanada gacanta oo dhacay woqooyi bari Kenya ayaa waxaa ku dhintay 15 qof. weerarku waxaa uu ka dhacay meel u dhow xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

dad ka badan 12 qof ayaa ku dhaawacmay weerarkaas oo ka dhacay deegaanka laga xukumo magaalada Mandheera, waxaana uu la xiriiraa dagaal maalintii Jimcihii halkaas ku dhexmaray laba beelood oo isla deegaankaas ah, kaas oo ay ku dhinteen lix qof.

Boliiska Kenya waxay sheegeen inay ciidan dheeraad ah u direen gobolkaas, waxaana la sheegayaa in dadku ay deegaankaas ka cararayaan.