Dagaal culus oo ka socda Kismaayo

Kismaayo
Image caption Dagaalka ayaa ka socda bartamaha magaalada Kismaayo

Dagaal culus ayaa la sheegayaa in uu maalintii labaad uu ka socdo magaalada Kismaayo.

Dagaalka waxaa uu u dhexeeyaa ciidammo kala taageersan maammulka Axmed Madoobe iyo Barre Hiraale, oo isaguna ku dhawaaqay maamul uu hoggaamiyo.

Hub culus ayaa la sheegay in la isu adeegsaday iyadoo wararka ay sheegayaan in dagaalku uu ka socdo magaalada dhexdeeda.

Goobjoogayaal ayaa BBC-da u sheegay in dagaalku uu ka socdo agagaarka warshadda hilibka, iyadoo dad badan ay ka qaxayaan magaalada.

Muranka Kismaayo ayaa salka ku hayo cidda hoggaaminayso maamulka gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Dhowr ruux oo ay ku jiraan Axmed Madoobe iyo Barre Hiraale ayaa sheegay in loo doortay madaxweynaha maammulka Jubbooyinka iyo Gedo.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacansayrtay maammullada looga dhawaaqay Kismaayo, waxayna ku baaqday wadahadallo lagu xallinayo khilaafka Kismaayo.