100 ayaa la sheegay in lagu dilay Masar

Image caption Akhwaanu Muslimiinka ayaa ku eedeeyay militeriga inay dadka dilayaan

In ka badan boqol ayaa lagu dilay dagaallo ka dhacay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, kuwaasi oo u dhaxeeya taageerayaasha Maxamed Morsi iyo ciidamada ammaanka Masar.

Dhaqtarka madaxda ka ah isbitaal goobta ku yaal masaajidka Rabba Al Adawiya mosque -- halkaasi oo xubnaha Akhwaanu Musimiinka ee Moris ay ku sugnaayeen ayaa sheegay in in ka badan boqol ay ku dhinteen halkaasi in ka badan kun kalena ay ku dhaawacmeen.

Tiradan dhimashada si madax banaan looma xaqiijin karo. Ma kala cadda ilaa hadda sida ay ku bilowdeen rabshadaha laakiin Akhwaanu muslimiinka waxa ay ku eedeeyeen ciidanka militeriga Masar inay dadka toogasho ku dilayeen.

Ciidanka ammaanka ayaa ayaa soo galay saacado kadib markii wsaaradda arrimaha gudaha ay sheegtay inay soo gabagabeyneyso dadka halkaasi joogay. Dagaalkuna waa uu socdaa.