Gegida diyaaradaha Nairobi oo la xiray

Gegida diyaaradaha Nairobi
Image caption Dab weyn ayaa ka kacay gegida diyaaradaha Nairobi

Gegida diyaaradaha ee caalamiga ee Nairobi ayaa la xiray kaddib markii uu ka kacay dab aad u weyn.

Holac ballaaran iyo qiiq cirka isku shareeray ayaa laga arkayay dhowr kilometer meel u jirta gegida.

Ilaa haatan ma cadda waxa sababay dabkaas, hase ahaatee, mas'uuliyiinta hay'adda duulimaadka ee Kenya ayaa sheegaya in dabka uu ka billawday xafiisyada waaxda socdaalka.

Waxaa weli gegida diyaaradaha ku sugan baabuurta dabdeminta.

Garoonkan Jomo Kenyatta ayaa ah kan ugu mashquulsan bariga Afrika, iyadoo ay sanadkii adeegsadaan ku dhawaad 5 milyan oo musaafur.

Weriye BBC ka tirsan ayaa sheegay in arrintan ay raad xun ku yeelan doonto isu socodka bariga Afrika.

Ilaa haatan ma jiraan wax warar oo ka hadlaya in uu jiiro dhimasho ama dhaawac ka dhashay dabka.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa markiiba booqday gegida, si uu u eego qasaaraha meesha ka dhashay.