Falastiiniyiin laga soo daayay Isra'iil

Maxamuud Cabaas
Image caption Madaxweynaha Falastiiniyiinta ayaa qaabilay qaar ka mid ah maxaabiistan la soo daayay

Maxaabiis Falastiiniyiin ah oo gaaraya 26 ayay Isra'iil sii daysay iyadoo maanta ay furmayaan wadahadallada u dhexeeya labada dhinac.

Tallabadan waxay qeyb ka tahay heshiis dib loogu cusbooneysiinayo wadahadallada u dhexeeya labada dhinac.

Dadkan ayaa kala gaaray Daanta Galbeed iyo Marinka Qasa ee ay Falastiiniyiintu deganyihiin.

Qeyb ka mid ah maxaabiistan la soo daayay oo gaaray magaalada Ramallah, waxaa halkaas ku qaabilay madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabas.

Marinka Gaza ayaa waxaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay qeyb ka mid ah maxabiistan la soo daayay

Ergada labada dhinac ee Falstiiniyiinta iyo Isra'iiliyiinta ayaa lagu wadaa in ay maanta ku kulmaan magaalada Qudus kaddib saddex sano oo ay wadahadalladu joogsadeen.

Dadka Isra'iil qaarkood ayaa dhigay dibedbaxyo ay ugu soo horjeedaan tallaabada lagu soo daayay maxaabiistan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan