Maraykan oo diyaar u ah dagaalka Suuriya

Wasiirka difaaca ee Maraynaka ayaa sheegay in ciidammada dalkaas ay diyaar yihiin oo ay sugayaan amarka madaxweynaha.

Image caption Bartilmaameedyada milateri

Chuck Hegel ayaa sheegay in waxa u dhiman ay tahay in madaxweyne Barack Obama uu bixiyo amar ah in dagaal la qaado.

Aqalka cad ee looga arrimiyo Maraykanka ayaa sheegay in haddii uu amro Obama faragelin militeri oo ka dhan ah Suuriya ay noqon doonto oo kaliye mid looga jawaabayo weerarkii loo isticmaalay hubka Kiimikada.

Weerarkaas ayaa la sheegay in lagu qaaday duleedka magaalada Dimishiq, caasimadda dalkaas.

Ra'iisul Wasaaraha Britain, David Cameron, oo dib isugu yeeray baarlamaanka Taladaadii, ayaa sidoo kale sheegay in tallaabo kasta ee militeri ay noqon doonto mid looga gol leeyahay in mustaqbalka looga hortago isticmaalka hubka sunta ah.

Xulafada ugu muhiimsan ee dowladda Suuriya, Ruushka, Iran iyo Shiinaha, ayaa waxay ka digeen faragalintaas.

Waxay sheegeen in taas ay hurin doonto gobolka bariga dhexe oo dhan.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Suuriya Waliid Al Mucallim ayaa beeniayay in dalkiisu isticmaalay hubka kiimikada.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay caddeymo muujinaya in la adeegsaday hub kiimiko ah.

Madaxweyne kuxigeenka Maraykanka Joe Baiden ayaa sheegay in aanay jirin wax shaki ah oo ku jira in Suuriya ay adeegsatay hubka kiimikada.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan